Weriye Lagu Dhaawacay Muqdisho

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ayaa laga soo sheegaya in xalay toogasho lagu dhaawacay Wariye Cabdifitaax Cabdulqaadir Shariif, oo ka mid ah Wariye-yaasha degan Magaalada  Muqdisho, xili uu ka soo baxay Shaqadiisa…

Weerarkan ayaa ka dhacay xaafadda Sey Biyaano degmada Hodon ee Gobolka Benadir, waxaana lagu dhaawacay Weriye Cabdifitaax Cabduqaadir Shariif oo ka tirsan Radio Danan, iyadoo dhaawac kasoo gaaray rasaas madaxa ka haleeshay.

Weriyaha ayaa loola cararray Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasoo xaaladiisa lagula tacaalayo, isla markaana qalliin lagu sameeyay, waxaana la xaqiijiyey inay xaaladiisa fiican tahay.

Lama oga sababta loo weerarray weriyaha, waxaana la sheegay iuu ku dhaawacmay kadib markii nin ku hubeysan uu rasaas ku furay Mooto Bajaaj uu la socday.

43960cookie-checkWeriye Lagu Dhaawacay Muqdisho