Somalia oo 2023-kii Kaalinta 1-aad ka gashay Dalka ugu Musuqmaasuqa badan Aduunka..

World

Hay’adda Caalamiga ah ee Daahfurnaanta adduunka  ayaa waxay soo saartay warbixinteeda sanadlaha ee ay ku qiimayso heerka musuqmaasuqa adduunka (CPI), waxey Hey’addu baartay 180-Dal oo mid walba lagu qiimeeyay 100-dhibcood, Qorayaasha warbixintan waxay tilmaameen in dhibaatada musuqmaasuqu aanay wax badan iska beddelin Aduunka oo dhan…

Hey’addu waxay sheegtay in Somalia ay kaalinta 1-aad kaga jirto liiska Dalalka ugu musuq-maasuqa badan Aduunka, iyadoo heshay 11 dhibcood oo kaliya, “Somalia aad ayay ugu hoosaysaa inta badan tilmaamayaasha bini’aadantinimada, iyadoo ay haysato maamul xumo, colaado gudaha ah, horumar la’aan, dhaqaale xumo, faqri, sinnaan la’aan bulsho iyo jinsi, iyo xaalufka deegaan.” Ayaa lagu sheegay warbixinta.

He’yaddu waxay sheegtay in dalka Denmark uu yahay dalka ugu musuq-maasuqa yar, Denmark ayaa sanadkii lixaad oo xiriir ah ku soo baxday kaalinta koowaad, iyadoo heshay 90 dhibcood, Halka Dalka Hungary ayaa sanadkii labaad oo toos ah lagu qiimeeyay dalka ugu musuqmaasuqa badan Midowga Yurub, sida lagu sheegay warbixinta sanadlaha ah ee CPI, waxeyna intaasi raacisay in Hungary ay heshay 43-dhibcood, si la mid ah sanadkii hore, waxaana ku soo xiga Bulgaria iyo Romania oo helay 45 iyo 46, siday u kala horreeyaan.

https://www.transparency.org/en/cpi/2023/

305430cookie-checkSomalia oo 2023-kii Kaalinta 1-aad ka gashay Dalka ugu Musuqmaasuqa badan Aduunka..