Maxaa Xiligaan keenay Khilaafka Wasaarada Sportiga & Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta

Somalia news Sports

Muddo dheeraad ayaa waxaa soo taagnaa khilaaf ragaadiyay howlaha maalmeedka Hogaanka Xiriirka Kubada Cagta ee Soomaaliyeed, iyadoo garabyada isku haya hanashada doorashada Gudoomiyaha Xiriirka ay noqtay mid ay xalin waayaan Wasaarada Sportiga iyo Xiriirka Kubada Cagta Aduunka..

Khilaafka Xiriirka Kubada Cagta ayaa soo jiitamaayay kadib markii dhinacyo badan oo ay ku jiraan FIFA ay culeys ku saareen Gudoomiyihii hore ee Xiriirka Kubada cagta Cabsiqani Saciid Carab inuu is-casilo xilkana ku wareejiyo kuxigeenkiisa Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino), kaasoo muddo sanad ah KMG ahaa, isla markaasna loogu baaqay qabsahada doorasho hufan oo xor iyo xalaal la halgamaayay, inkastoo ay dood ka keeneen Garabka uu hogaamiyo Xasan Wiish.

Xiisadan ayaa hadda cirka isku shareertay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Gudoomiyaha KMG ah ee Xiriirka Kubada Cagta loo xiray kaliyah inuu tartamo Gudoomiyaha KMG ah Cali Shiino, xiisadani ayaa la sheegay iney ka sii dartay kadib markii Wasiirka Dhalinyarada uu soo fara geliyay isla markaasna amray in la joojiyo qabashada Doorashada.

230850cookie-checkMaxaa Xiligaan keenay Khilaafka Wasaarada Sportiga & Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com