Odayaal Dhaqmeed Eedeyn u Jeediyay Xoogaga Amaanka Jubbaland

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka Dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan degaan lagu magacaabo Qudus ay ka geysteen dhibaatooyin ka dhan ah Dadka Rayidka ah ee ku nool deegaankaasi, iyadoo la sheegay in la gubay Guryo…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ee tuulada Qudus oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay tuuladaas gubeen isla markaasna afduubteen 15-Qof sidoo kale ay ka geysteen dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti.

“Waxaan ka cabaneynaa dhibkii nagu dhacay, dad iyo duunyo ayey tuuladaan ku laayeen ciidamada Jubbaland, naf iyo maal wax noo ceynta malaha, gaadiid, guryo iyo duunyo ayaa la gubay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay.

Waxay sheegeen in tuulada aysan horay u joojin wax ciidan ah, isla markaana ay soo weerareen ciidamada Jubbaland oo ka geystay tacadiyo iyo falal ka baxsan Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Somalia, waxeyna baaq u soo jeediyeen Dowladda Federaalka iyo Hey’adaha Xuquuqda Insaanka iney baaris ku sameeyaan dhibka dhacay.

197530cookie-checkOdayaal Dhaqmeed Eedeyn u Jeediyay Xoogaga Amaanka Jubbaland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com