Halganka Kooxaha Macawisleyda: Gunnimo-diid ku dhisan Geeri & Gaajo

Somalia news

Dalka Somalia waxaa hubka qaatay kooxaha Macawisleyda loo yaqaano, kuwaasoo ka kooban Xoolo dhaqato iyo Beeraley, iyagoo isku bedelay Dagaalyahanno, Muwaadiniinta ayaa laba dhegax dhexdood muddo ku jiray dhinac waxaa ka heystay Abaar ba’an Dad iyo duunyo galaafatay dhinac kale Beerahooda ayaa minooyin lagu beeray si ay baad u dhiibaan..

Waxeyna dantu ku qasabtay iney furumaha dagaalka tagaan iyagoo hormuud u noqday Dagaalka laga isaga xoreynaayo kooxda argagixisada Shababka isla markaasna loo xasiliyo Amaanka Dalka, “ Waxaan u dagaalameynaa halgan sax ah oo heeryada kooxahaan manaxayaasha ah la isaga xoreynaayo” ayuu yiri mid ka mid ah Halgamayaasha.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Kooxda Argagixisada Shababka ay muddooyinkii ugu dambeeyay ay weeraro is daba joog ah ku soo qaadayeen degaanada Yaasoman iyo Beero-yabaal lagu laayay, ayna haataan Maleeshiyaadkii keydka u ahaa ka soo dhaqaajiyeen Degmooyinka Bu’aale iyo Jilib, waxaana horgale u ah Horjooge ka soo jeeda Beelaha Xawaadle magaciisa afgarashada lagu sheegay Abuu Cabdalla (Alias Xiireey).

Abaabulkaan xoogan iyo diyaargarowga dagaalada ayaa ku soo beegmay xili Dalka ay ka jirto Abaar ba’an, iyadoo Dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii loo dhiiri gelin lahaa kooxahaan iskood isku abaabulay isla markaasna ay ka go’an tahay iney degaanadooda ka xoreeyaan kooxda manaxayaasha argagixisada Shababka.

218940cookie-checkHalganka Kooxaha Macawisleyda: Gunnimo-diid ku dhisan Geeri & Gaajo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com