Madaxii Amaanka Degmada Qardho Oo La Dilay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Koox hubeysan oo degaanka ayaa ku dilay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Bari (Puntland), Taliyihii Saldhigga Boliiska Qardho Cumar Hiirad Kaatun, xiligaasi oo howlgal ku guda jiray…

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dishay Marxuum Hiirad ay ahaayeen Xubno ka ganacsada khamriga, (Alcohol), Ciidanka Amniga ayaa la sheegay inay ku raadjoogaan dambiilayaasha falkaan ka dambeeyay, kuwaasoo u suurto gashay iney ka baxsadaan goobta uu howlgalka ka socday.

Degaanada Puntland ayaa xiliyadii ugu dambeeyay waxaa aad ugu soo kordhay ka ganacsiga Mukhaadaraadka iyo Khamriga laga keeno Dalka Ethiopia, Xoogaga Amaanka ayaa dagaal adag kula jira kooxaha ka ganacsada, sidoo kalena isticmaala maandooriyaha khamriga iyo xashiiska, kuwaas oo dhibaatooyin ku haya bulshada Puntland.

194930cookie-checkMadaxii Amaanka Degmada Qardho Oo La Dilay