Xaalad Colaadeed Oo Laga Soo Sheegaayo Dhuusa mareeb

Somalia news

Xaaladda Magaaladda Dhuusamareeb ayaa xalay kacsaneyd, waxaana laga cabsi qabaa weeraro iney soo qaadaan Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shababka, halka Warar kale ay sheegayaan in ciidamo daacad u ah Ahlu Sunna….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in koox sahan u ah Maleeshiyaadka Shababka lagu arkay Meel u jirta Magaalada Dhuusa mareeb 10-KM, waana sababta keentay in xaalaada amaan Ee Magaalada ay kacsanaato, iyadoo ay dhaqdhaqaaq bilaabeen Ciidamada Amisom (Ethiopia iyo Jabuuti) iyo kuwa Maamulka, waxeyna xoojinyeen Amaanka Garoonka iyo wadada u dhaxeysa Magaalada.

Dadka deegaanka oo la soo xiriiray Warsidaha Diinah.com newa ayaa u sheegay in aanay jirin cabsi laga qabo Shabaab, balse Ciidamo ka tirsan Kooxda Suufiyada oo ku hubeysan Gadiidka Dagaalka ayaa dhaqdhaqaaq ka wada duleedka Magaalada Dhuusa mareeb.

63820cookie-checkXaalad Colaadeed Oo Laga Soo Sheegaayo Dhuusa mareeb