Maxaa Ka Dhaxeeya Kooxda Shababka & Ganacsatada ku sugan Degaano hoos taga Degmada Aadan Yabaal

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in tiro Odayaal Dhaqmeed, Ganacsato iyo Wadaado xiriir hoose la leh Kooxda Shabaabka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxey ku sii qulqulaayeen Degmada Aadan Yabaal iyo degaano ku teedsan, kooxahaan ayaa lagu eedeeyay iney qandaraas ku soo qaateen hakinta Gulufka weerar ee la qorsheeyay…

Xogtaan ayaa la wadaagtay Warsidaha Diinah.com news in Wadaadka (Ganacsadaha) Abuukar Cumar Caddaan iyo xubno kale la xaqiijiyay iney ku sugan yihiin Degaanka Maasijka Cali Gaduud, waxaana lagu xamanaayaa iney Dhaqaale xoogan ay laaluush ahaan u doonayaan iney siiyaan Saraakiisha ciidamada Hogaamisa si aan loogu qaadin duulaan saf balaaran Degmada Aadan yabaal iyo guud ahaan Gobolada Hiiraan Iyo Shabeelada dhexe.

Wararka ayaa sheegay in kooxahaan wakiilka ka ah Kooxda Shababka ay doonayaan iney heshiis kula galaan Saraakiisha Xoogaga Hubeysan ee ka soo jeeda Beelaha Mudulood oo loo qondeeyay in loo qeybiyo ilaa 4-Millions US$ si loo hakiyo gulufka Howlgalka, laman yaqaano iney heshiiskaasi uu meel maray, balse Ciidamada & Saraakisha ayaa muddo ku sugan degaanada kor ku xusan mana qaadin ila hadda wax duulaan ah.

219830cookie-checkMaxaa Ka Dhaxeeya Kooxda Shababka & Ganacsatada ku sugan Degaano hoos taga Degmada Aadan Yabaal