Wariyayaal lagu xiray Magaalada Guriceel 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay Ciidamada Amniga Galmudug ee ku sugan Guriceel ay xalay ku soo qabteen wariyayaasha kala ah Cabdiwali Maxamed Tooxow iyo Cabdulqaadir Cabdullaahi CC, kuwaasoo ka mid ah saxafiyinta ka howlgala Galgaduud…

Sida ay sheegeen wariyayaal madax-bannaan oo fadhigoodu yahay Dhuusamareeb, Tooxow iyo CC  ayaa looga yeeray saldhigga booliska Guriceel ka hor inta aan xabsiga lagu hubsan, mana cadda sababta ka danbeysa xarigga wariyayaashaan, Xubnahaan waxay ka mid yihiin saxafiyiinta aadka uga faallooda dhacdooyinka ka dhaca degaannada Galmudug, waxaana dhowr jeer oo hore loo xiray warar ay daabaceen bartooda gaarka ee uu ku leeyihiin Facebook.

Guud ahaan Somalia waxay kamid tahay goobaha ugu khatarta badan ee lagu dilo, lagu xiro, looguna hanjabo Wariyayaasha, iyadoo loo sababeeynayo isla-xisaabtan la’aanta iyo colaadaha mudada dheer ka jira Dalka.

195120cookie-checkWariyayaal lagu xiray Magaalada Guriceel