Haamo Sunta Kiimikada Looga Shakisan yahay oo ku soo caariyay Xeebta Warsheekh

Somalia news

Waxaa dib u soo laabtay masiibo sanado badan aan xeebaha Somalia lagu arkin, kuwaasoo ah Haamo afka xiran oo aan la ogeyn waxa ku jira ayaa ku soo caariyey meel aan ka fogeyn xeebta degaanka Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe…

Wararka ayaa sheegay in 2-da Haamood ayaa loo malaynayaa iney ku jiraan haraaga sunta kiimikada Warshadaha iyo Isbitaalada Dalalka Europe, waxaana la aamnsan yahay iney xeebaha Somalia ku daadiyeen maraakiibta reer galbeedka oo dalalkooda ka soo fogeeyey gaar ahaan Dalalka Talyaaniga, Fransiiska iyo Spain.

Haamahan oo aad u daxaleystay ayaa laga cabsi qabaa iney dilaacaan ama neefsadaan taasoo keeni karta dhibaato caafimaad oo ka soo gaarto dadka degaankaas.

Dowlada Federaalka iyo Hey’adaha qaabilsan ilaalinta badqabka degaanka ayaa loogu baaqay iney wax ka qabtaan haamahan si looga badbaadiyo iney saameeyaan dadka iyo degaanka.

227640cookie-checkHaamo Sunta Kiimikada Looga Shakisan yahay oo ku soo caariyay Xeebta Warsheekh