Jubbaland Oo Diyaarisay Ciidamo..

Uncategorized

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Ciidamo ay diyaarisay Dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaasoo loogu tala galay sidii ay u difaaci lahaayeen Dadka iyo Degaanada Jubbaland…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Ciidamadaan loogu tala galay iney la dagaalamaan Kooxaha argagixisada iyo kuwo dhul balaarsiga hanig uga jiro, waxaana lagu diyaariyay degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ,kuwaasoo maalmahaan tababaro iyo howlgallo kala duwan ka waday tuulooyin hoostaga Dhoobleey.

Ciidamadan ayaa isugu jira ciidanka Boliska, ciidanka nabad-sugidda iyo ciidanka Daraawishta Jubbaland, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay u diyaarsan yihiin la dagaalka Al-Shabaab  iyo cid kasta oo cadaw ku ah Maamulka Jubbaland sida ay hadalka u dhigeen.

Dhoolatuska Ciidamo ka tirsan Jubbaland ay kusoo bandhigeen degmada Dhoobleey ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli xiisad u dhaxeysa Maamulka Farmaajo iyo kuwa Jubbaland ay ka taagan tahay degmada Beled-Xaawo we Gobolka Gedo.

16280cookie-checkJubbaland Oo Diyaarisay Ciidamo..