Jubbaland Oo Ka Gaabsatay Codsi..

Uncategorized

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa Dib u dhigay codsi ka yimd Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali, isagoo lagu martiqaaday Magaalada Addis Abeba..

Ilo wareedyo ayaa Aarka Diinah blogs u sheegay in Shuruud uu Madaxweyne Axmed Madoobe uu shuruud ku xiray inuu tego Adis ababa, isagoo sheegay in marka hore la joojiyo abaabulka colaadeed ee ay wada wadaan Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Villa Somalia.

Axmed Islaam Madoobe ayaa shuruuda uu keenay waxay tahay in Xanibaada laga qaado Shacbiga ku nool Magaalada Kismaayo oo dhinaca Hawada laga saaray oo bulshada laga hor istaagay Daawadii iyo shixnadihii uga imaan jiray Muqdisho.

Sidaas oo kale waxa uu dalbaday in Dawlada ay qaadato khaladaadka muuqda ee Jubbaland ka gashay kana bixiso mag dhaw dadka intii Xanibaadaas jirtay dhibta soo gaartay.

16170cookie-checkJubbaland Oo Ka Gaabsatay Codsi..