Dhismaha Guddiyada Doorashada Iyo Dooda Heshiiska

Somalia news

Habeenkii xalay ahaa ayaa si rasmi ah waxaa u bilowdey dhamaystirka heshiiskii doorashada dadban ee Dowladda Federaalka+Gobolka Banadir iyo Dowlad goboleedyada, Kulankaan waxaa ka soo qaybgalay Shanta Madaxweyne ee Dowlad goboleedyada Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, warar ku dhaw shirka waxay sheegayaan in Wasiirka 1-aad Mr. Maxamed Xuseen Rooble aanu shirka kaqayb ka ahayn, oo codsadey inay dhamaystiraan wixii ay ku heshiiyeen…..

Kulanka cusub ayaa daaran dhamaystirka sidii loo dhameystiri lahaa wuxuu horey loogu heshiiyay, kuwaasoo qaarkood u baahnaayeen in la qeexo halka qaar kale u baahnaayeen in la fuliyo ka hor doorashada.

Dooda ugu Adag ayaa ka taagan Dhismaha Guddiga Doorasho ee heer Federaal, kaasoo dhigaayey:

In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kuwa goo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.

Mas’uuliyiinta Dowladda oo ka faa’ideysanaysa waayo aragnimadii laga dhaxlay Doorashadii 2016 ayaa dooneysa in ay magacaabto guddi doorasho oo aad uga tiro badan kii 2016 si ay isu kala qaybin karaan dhamaan deegaanada doorashadu ka dhacayso.

Dooda ugu adag ayaa ah cidda hoggaamineysa doorashada, waxaana heshiiska ka muuqata in guddiga doowladda federaalku hoggaamin doono,laakiin doorka guddiga Dowlad goboleedyadu noqon doono kaalmeyn.

Qodobada kale ee u baahan in la qeexo Baarlamaankuna wax ka beddalay ayaa ah, doorka soo xulidda ee Dowlad goboleedyada, kaasoo Baarlamaanku sheegay inuu noqon doono diiwaan gelinta ergooyinka.

Dhanka kale waxaa soo baxdey oo Baarlamaanku dalbadey sida laga yeelayo khilaafaadka iyo isku qabsiga kuraasta, waxaana la filayaa in qodobkaas lagu soo doro inkasta oo aanu heshiiskii hore ku jirin.

Waxaa wararku sheegayaan in Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo ay dul istaagayaan dhamaaan qodobada loo baahan yahay oo dhan oo guddiyada la dhisdaayo aysan waxba u reebayn, tan oo adkeyn karta dooda iyo wada xaajoodka, waxaana la rumeysan yahay in arrimahaani ka dhib badan yihiin kuwii hore.

63760cookie-checkDhismaha Guddiyada Doorashada Iyo Dooda Heshiiska