Villa Somalia Oo Qorshayaal U Dejisay Carqaladeynta Dhuusa mareeb-3

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah oo laga helay Ilo Madaxtooyada ku dhow ayaa sheegaya in shirkii Khamiistii uu hor dhac u yahay qorshayaal guracan oo Khalkhal lagu gelinaayo guud ahaan Degaanada Galmudug Gaar ahaan Shirka Dhuusa mareeb-3….

Iyadoo ay fulinta qorshahaasi ay gadaal ka riixayaan Saraakiisha Villa Somalia, xogaha na soo gaaraya waxaa ka mid ah:-
-In dib loo soo abaabulo Dagaalo beeleedyo sii degaanka.-In la hub eryo kooxdii Ahlu sunna waljamaaca oo amniga degaanka la gil-gilo si halkaas shir laguma qaban karo ay u soo baxdo. 
-In beesha Madaxweynaha uu ka soo jeedo la soo kiciyo oo ay la yimaadaan tillaabooyin gobolka ka abuuri kara xasilooni darro oo sidoo kale sababi karta in shirka 3aad ee Dhuusamareeb ee loo ballansan yahay la baajiyo.
-In la soo adeegsado kooxihii nabad diidka ahaa oo deegaanada Galmudug ay weeraro iyo qaraxyo ka maleegaan.

Aan is weydiinee guud ahaan maxaa maamul goboledyada Soomaaliyeed & gaar ahaan maamulka/Shacabka reer Galmudug kala gudboon qorshayaasha laga soo maleegay Muqdisho?.

Waxaa la gudboon inay isku mawqif ahaadaan oo meel uga soo wada jeestaan Ilaalinta sharciga dalka u yaal oo ay ku dadaalaan iney ilaalashaadaan Nabada iyo Xasiloonida ka jirta degaanka, isla markaasna ay ka qeyb qaataan sida ay u dhici laheyd doorsho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku dhacdo si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dagaalada sokeeye.

51350cookie-checkVilla Somalia Oo Qorshayaal U Dejisay Carqaladeynta Dhuusa mareeb-3