Diiwaangelinta Doorashada Puntland Oo Gaabis Gashay & Sababaha Horseeday

Somalia news

Warbixin ayaa laga helayaa dib u dhacyo iyo gaabis ku yimid Howlaha Diiwaangelinta Doorashada degaanada Puntland, gaar ahaan qeybo ka mid ah Gobolada Sanaag-Bari, Bari halka Gobolada Nugaal & Mudug aan laga bilaabin, waxaana lagu sababeeyay arrimo dhowr ah oo is biirsaday…

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Sababaha hakadka ugu yimid waxaa ugu horeeyay dhaqaale xumo, Khilaaf Siyaasadeed oo degaanada qaarkood ka jira, Shaqaalaha ka howlgalaayay oo aan xuquuqdooda la lunsaday, Heshiis la’aanta Saamileyda Siyaasada degaanada iyo Beesha Caalamka oo hakisay dhaqaalihii ay ku kabi laheyd wajiga 2-aad ee Diiwaangelinta, iyagoo ku fasiray kalsooni iyo daah furnaan la’aan.

Hirgelinta Howlahaan ayaa la sheegay in loo qondeeyay in Qofkii (Shaqaalaha) maalintii 30-$ la siiyo halka Gaadiidka la kireeyay maalintii loogu talo galay 120-$, iyadoo hoos u dhac weyn uu ku yimid Dadka is-diiwaan gelinaaya Doorashada sababo la xiriira heshiis siyaasadeed oo aan jirin iyo Mr.Dani oo aan daacad ka aheyn hirgelinta doorashada uuna doonaayo muddo korarsi.

Muddo xileedka Mr.Deni waxaa ka dhiman 10-bilood, iyadoo inta badan Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka degaanka ay ka soo horjeedaan sida uu wax u wado Madaxweynaha Puntland, baaqyo ay soo saareen uu dhegaha ka fureystay, waxaana marqaati ma doonto in hadii aan heshiis Wadar oggol ah la helin ay dhibaato ka dhalan karto firaaqada Dastuuriga ah ee Puntland.

242430cookie-checkDiiwaangelinta Doorashada Puntland Oo Gaabis Gashay & Sababaha Horseeday