Dulmiga Maamulka Borsaani ee Gobolka Benaadir ku hayo Ganacsatada oo Gaaray inuu Dhex Dhigtaan Konteynar Baad lagu Soo Dekeda Mogadishu..

Somalia news

Ku dhawaad Laba sano ayaa la soo wareegtay markii uu Xildhibaanada & Senatorada Baarlamaanka Federaalja u doirteeb inuu Dalka Madaxweyne ka noqdo Xasan Sheekh, iyadoo ay soo shaac baxaayaan in Hogaanka Dikreetada lagu magacaabay ee Gobolka Benaadir uu boob ku hayo Dhulalka Danta guud iyo isagoo xiligaan Konteynar soo dhigtay Dekeda Mogadishu oo Canshuur ku qaado (Baad)..

Guud ahaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed waa ku adag tahay inay la saftaan madaxdooda madaama ay tuhunsan yihiin dacadnimadooda, xilkasnimadooda iyo hadafkooda uu ku soo hooray Boob, Dhac iyo Musuq aan dhamaan ayna u dheer tahay Amaan darro ay sababeen Xoogaga Amaanka iyo kooxaha Argagixisada, Shacbiga iyo Ganacsatada Magaalada Mogadishu waxey nasiib darro u heleen in shaqsi wareegto ku magacaaban uu Hogaanka Maamulka Gobolka u qabto kaasoo horumar uu gaarsiiyo iska daaye in Canashuurta laga qaado uu lunsado oo Dalka dibadiisa Daaro kaga dhisto.

Todobaadkii tagay ayaa la xaqiijiyay in Maamulka Gobolka Benaadir uu qorsheystay inuu Konteynar canshuur cusub lagu qaado uu soo dhex dhigtay gudaha Dekada Mogadishu wuxuuna dhawaan bilaabi doonaa in canshuur aan la shaacin oo rasmi aheyn uu ka qaado Ganacsatada, iyadoo Canshuurta iyo Tariifada ay qaadaan Wasaarada Maaliyadu ay qeyb ku leeyihiin Gobolka Benaadir, waxaana la xaqiijiyay in Madaxtooyada go’aankaan wax ka og tahay.

321340cookie-checkDulmiga Maamulka Borsaani ee Gobolka Benaadir ku hayo Ganacsatada oo Gaaray inuu Dhex Dhigtaan Konteynar Baad lagu Soo Dekeda Mogadishu..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *