Madaxweynaha Somalia oo Safar Ku Tagay Dalka Turkiga & Sababta ka Dambeysa..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa xalay xili dambey Safar shaqo ku tagay Dalka Turkiga kadib Shirka Degaanka iyo Cimilada oo ka socda Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana ka soo baxaaya Macluumaad la xiriira qorsha iyo Safarka Turkiga..

Xogtaan ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Dalkaasi, waxaana la sheegay inuu u tagaayo Dalkaasi dhameystirka heshiiska Turkiga & Somalia iyo ka qeyb noqoshada Munaasabad ay Dowladda Turkiga u qaban doonto Heshiiskaan, iyadoo u ka qeyb geli doono Kulanka loogu magac daray “Antalya Diplomacy Forum”.

Wararka ayaa sheegaya in Sidoo kale Shirkadaha Ganacsi ee la siiyey Qandaraasyada Kalluunka ayaa bixin doonta dhaqaale fududeynta shaqooyinka la qorsheeyay in la qabto, “Signing Bonus”, taasoo aan cadeyn ilaa hadda cida lasiinayo iyo cadadkeeda, iyadoo loo badinaayo in Kulanka Labada Madaxweyne lagu falanqeyn doono arrimaha la xiriira Kaluunka.

311730cookie-checkMadaxweynaha Somalia oo Safar Ku Tagay Dalka Turkiga & Sababta ka Dambeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com