Kooxda Shababka Oo Weeraro ku qaaday Degmada Yeed & Tuulooyin ka tirsan Bakool

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Caato, Washaaqo iyo Degmada Yeed oo ka kuwa tirsan Gobolka Bakool, kooxo katirsan Maleeshiyaadka kooxda argagixisada Shababka ay weeraro gaadmo ah ku qaadeen degaandaasi oo ku Xadka Somalia & Ethiopia…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shababka ay iska horinaaf hubeysan ku dhex mareen degaanada Yeed & Caato oo Xadka saaran Ciidamada Boliiska Liyuu ee Dowlad Degaanka Somalida Ethiopia, dirirtaan ayaa la sheegay in labada dhinac uu khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxii Ciidamada Liyuu Boliis G/Sare Deeq lagu dilay, isla markaasna ay jiraan tiro dhaawcyo ah oo soo gaaray labada dhinac, weerarka ay Maleeshiyaad Shababku soo qaadeen, iyadoo Ciidamada Liyuu Boliis ay ka howlgalaan Degaanada Xadka ku teedsan ee Somalia & Ethiopia.

202600cookie-checkKooxda Shababka Oo Weeraro ku qaaday Degmada Yeed & Tuulooyin ka tirsan Bakool