Ma Dhabaa in Ganacsato & Arday ka soo Qaxeen Degaanada Maamulka Somaliland

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa muujinaaya in Ganacsatada Puntland ay bilaabeen inay Hantidooda iyo dhaqaalahooda ay kala soo baxaan deegaannadda Maamulka Somaliland, kadib cabsi soo food-saartay todobaadyadii ugu dambeeyay taasoo ka dhalatay ficilo ay la kulmeen intii uu socday dagaalka Laascaanood…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news si hoose ugu sheegay iney aad u kordheen beegsiga iyo ugaarsiga Ganacsatada ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan iney jiraan tiro Ganacsato ah oo Hantidooda laga dhacay halka kuw kale hanjabaado joogto loo diro talabadaan ayaa sababtay iney ka soo qaxaan.

Sidoo kale Shirkaddaha ka soo jeeda degaanada Puntland ayaa bilaabay iney kasoo cararaan Somaliland, waxeyna sheegeen in alaabahooda “Konteenarada” kala degi doonaan dekeda Boosaaso oo ballaarin ku socoto iyo Dekedda cusub ee Garacad oo dhismaheedu weli socdo, balse qeybo kamid ah shaqo bilaabeen, ayna hada ku xirtaan maraakiibta waa weyn ee sida Kunteenarada.

Dekedda Berbera ayaa suuq weyn u aheyd muddo dheer Ganacsatada ka soo jeeda Gobolka Sool, gaar ahaan kuwa shixnadaha Konteenarada la dega, maadama ay Dekedda Boosaaso oo ay ciid xirtay marinada gaadiidka badda ku xiran waayeen maraakiibta waa weyn.

Sidoo kale Ardaydii ka soo jeeday Gobolada Sool, Sanaag iyo degaanada Puntland ee wax ka baran jiray Dugsiyada iyo Jaamada Camuud ee magaalada Boorame Gobolka Awdal ay isaga careereen, halka qaar kale ay u tallaabeen xadka Ethiopia, gaar ahaan caasimadda DDS ee Jigjiga, kadib beegsi ay la kulmeen markii dagaalka Laascaanood bilowday.

242780cookie-checkMa Dhabaa in Ganacsato & Arday ka soo Qaxeen Degaanada Maamulka Somaliland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com