Bulshada Buula Barde Oo Isku Biiraadeen Abaaro & Go’doon

Somalia news

Sida ay sheegtay Saraakiisha Qaramada Midoobay, abaarta ka jirta Somalia waxaa la diiwaan-geliyay iney ku barakaceen in ka badan 800,000 oo qof, kuwaasoo u badnaa bulshada xoola dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda ah, Dhacdadaan ayaa uga sii dartay bulshada nugul oo markii hore la tiicayey xaalado amni xumo, Maamul tayadiisu hooseyso iyo mid bini-aadanimo…

Warbixinada ayaa sheegaya in Magaalooyinka qaar ay ku jiraan xaalad go’doomin ah, haatana waxaa ugu sii darsamay qulqulka barakacayaasha ka soo cararaya abaaraha daran ee ka jira dhulkii ay deganaayeen, kuwaasoo raadinaya meelo ay ku badbaadaan Abaarta iyo amni darrada.

Magaalada Buula-berde waxey go’doon geliyay sagaalkii sano ee ugu dambeeyey Makeeshiyaadka kooxda argagixisada Shabaabka, waana meelaha ugu daran ee haatan ay abaaruhu u saameeyeen sida ugu adag, Magaalada oo markii horeba la tiicaysay qiimaha sarreeya ee raashinka, ayaa haatan waxaa ugu darsamay inay magaaladu martigelinayso barakacayaal tiro badan.

195580cookie-checkBulshada Buula Barde Oo Isku Biiraadeen Abaaro & Go’doon