Kulankii Xalay & Shir Doceedyada Caawa Balansan

Somalia news

Kulankii u dhaxeeya Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed ee xalay ayaa ku bilowday is afgarad iyo isu soo dhowaansho, iyadoo lagu balamay shirar kale oo kan ugu horreeya uu axada isugu imaan doonaan, si loo xoojiyo is faham horseeda in natiijo wanaagsan ka soo baxo shirarkooda….

Kulankaan wada tashiga ah ayaa qabanqaabadiisa Waxaa iska lahaa Wakiilada Beesha Caalamka isla markaasna uu suurto geliyay Madaxweynaha Galmudug ayaan lagu gaarin wax heshiis ah oo aan ka aheyn inuu shirka sii Socdo, waxaana aad looga dooday sida ugu fudud ee looga gudbi karo Xaalada cakiran Ee Khilaafka Doorashada, Kulankaan ayaa qaatay 4-Saacadood.

Waxaa caawa loo balansan yahay shirar doceedyo mid ka mid ah shirkaas oo caawa fiidkii dhici lahaa ayaa la baajiyay, kaasoo ahaa shir dhex mari lahaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle iyo Midowga Musharaxiinta, shirkan ayaa waxaa dib u dhigay casho sharaf uu caawa Villa Somalia ku casuumay Farmaajo saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed sida Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Kulan kale ayaa la filayaa in caawa uu dhex maro Madaxweyne Qoorqoor iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana Kulankaan qeyb ka yahay dadaalada uu waday Qoorqoor ee ahaa kulamada uu ka soo bilowday isaga iyo Saciid Deni

105080cookie-checkKulankii Xalay & Shir Doceedyada Caawa Balansan