Mas’uul Hore Oo Jubbaland Ah Oo Xil Loo Magacaabay

Somalia news

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay in Mr Cabdi Cali Raagge loo magacaabay La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Siyaasadda, magacaabistaan ayaa timid kadib markii Wasiirkii 1-aad ee hore Si ka baxsan Shuruucda iyo Dastuurka lagu riday…

Aqoonyahannada Arrimaha Siyaasada gudaha ayaa ku tilmaamay magacaabistaan mid muujineysa in Mr.GacantarihiiFarmaajo uu aqbalay doorasho dad-ban, maadaama uu ninka uu u magacaabay arrimaha doorashooyinka uu yahay nin horay uga soo shaqeeyay Farsamooyinka doorashooyinkii Jubbaland iyo tii Federaalka, waxaana laga yaabaa inuu uga mid noqdo Guddiyada Farsamo ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee ka baaraan-dagi doona nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso.

Mr.Raagge ayaa lagu tilmaamaa farsama-yaqaan galaangal badan leh, waxaa uu ka mid ahaa Guddiyadii Farsamo ee ka soo shaqeeyay doorashadii dad-baneyd ee sanadkii 2016, Bishii April ee sanadkii 2019 ayay markii Axmed Madoobe uu xilka ka qaaday Cabdi Cali Raagge oo ahaa La Taliyihiisa sare ee Arrimaha Siyaasadda, xil ka qaadistaas ayaa salka ku heysay howlihii doorashada Jubbaland, waxaana Mr Raagge ka mid ahaa raggii ugu horreeyay ee ka hor-yimid Axmed Madoobe.

51110cookie-checkMas’uul Hore Oo Jubbaland Ah Oo Xil Loo Magacaabay