Maxaa Ka jira Hogaanka NISA uu Dhimay Dhaqaalihii & Gudoonyinkii Shaqaalaha…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Maamulka cusub ee Hey’adda NISA uu isbedel ku sameeyey gunnooyinka Saraakiisha & Shaqaalaha Hay’adda, waxaana la dhimay 60% inta badan dhamaan Mushaharaadka shaqaalaha, lacagihii siyaasada lagu bixin jiray…

Wararka ayaa sheegay Saraakiisha ama Shaqaalaha haystay Shahaadada Master waxaa laga dhigay Mushahaarkiisa 550$, halka markii hore ahayd 1,000 ilaa 1,500$, halka Xubanaha Shahaadadoodu ahayd Degree waxaa laga dhigay 350$, halka markii hore ahayd 700$ ilaa 1,000$.

Sidoo kale Farsamoyaqaanada iyo Xirfadlayaasha kala duwan ayaa loo qeybiyay labada qeybood ee hore, oo lagu qiimayn jiray aqoontooda, mushahaar ahaana qaadan jiray, inta u dhaxaysay 500$ ilaa 1,000$ waxaa lagu soo koobay hadda 200$ oo ay ka wada siman yihiin, iyadoo Adeegayaasha ama Shaqaale qaabilsanaa dhinaca xuuraanka oo qaadan jiray gunno joogto ah, oo iyagana lagu soo koobay mushahar dhan 400$.

Dhinaca kale waxaa gabi ahaanba la joojiyey Odayaashii iyo Diyaasiyiinta dhaqaalaha lagu naasnuujin jiray iyo Shidaalkii ay lahaayeen Saraakiisha hawlgalada Degmooyinka iyo kuwa dabagalka, mana cada ilaa hadda meel loo leexiyey lacagta lajaray, xili Miisaaniyadii u dambeysay ee 2022-ka ee Baarlamaanku ansixiyey lacag dheerad ah loogu daray Hay’adda NISA.

203410cookie-checkMaxaa Ka jira Hogaanka NISA uu Dhimay Dhaqaalihii & Gudoonyinkii Shaqaalaha…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com