Rasaas ay Xalay Rideen Ciidamada Dowlada Oo Dhaawacyo Ka Dhasheen

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga gelayaa rasaas ay rideen Ciidamada Dowlada oo ka dhalatay kala caraar sababtay dhaawacyo kala duwan, Shaqaaqadaan ayaa ka dhacday hoteel ku yaal xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Benaadir..

Wararka ayaa sheegay Rasaas ay xalay rideen ciidamo katirsan Boliiska oo baacsanaayay nin ay ka shakiyeen ayaa sabab u noqotay kala orod ka dhacay hoteelada ku yaalo xeebta Liido, iyadoo dhowr Qof oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween ayaa dabaqyada iska tuuray halka qaar kale ayaa la dulmaray, ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay dhaawacyo u badan jabniin Caruur iyo Dumar ah oo qaarkood dabaqyada iska tuuray.

Xaalada ayaa xili dambe la sheegay iney caadi ku soo noqotay jawiga Hoteelada Xeebta Liido oo ay joogaan dad badan oo ka nasanaya shaqooyinkii iyo dabaaldagga Munaasabada Ciidul Fidriga.

186490cookie-checkRasaas ay Xalay Rideen Ciidamada Dowlada Oo Dhaawacyo Ka Dhasheen