Ma Dhabaa in Kulankii Deni & Xasan Sheekh Is-fahan la’aan ku soo Dhamaaday

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegaya in Kulan 4-Saac oo xiriir ah qaatay shalay Madaxtooyada Somalia ku dhexmaray Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ayaa ku soo dhamaaday Natiijo la’aan, kadib markii Labada Mas’uul ay ka soo dabci waayeen mowqifkooda..

Xogtaan ayaa sheegtay in kulanka labada Mas’uuk oo aysan cidna ku wehelin uu fashil ku dhammaaday kadib markii la isku fahmi waayay Qidobadii miiska saarnaa, Labada dhinac ayaa inta badan ka wada-hadlay dano gaar ah marka laga reebo qodob ku saabsanaa Koonfur Galbeed.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka carooday hadalka Siciid Deni ee la xiriira inuu dara gelin ku hayo Puntland iyo Koonfur Galbeed islamarkaana uu weydiiyay bal in Puntland iyo Koonfur Galbeed dal kale ku yaaliin si loo fara geliyo.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland aya lagu canaantey qaabkii uu u dhaqmey markii ay saraakiisha Ameerikaanku dib ugu laabteen Gaalkacyo, waxaana laga wada hadley sida loo sii wada shaqeyn karo, Sidoo kale Safiirka ayaa wax ka weydiisay Madaxweynaha Puntland dooni dhawaan la qabtey taas oo sidey khudaar, laakiin lagu soo qariyey hub iyo rasaas, welina ma jirto wax faahfaahin ah oo doontaas laga bixiyey.

229660cookie-checkMa Dhabaa in Kulankii Deni & Xasan Sheekh Is-fahan la’aan ku soo Dhamaaday