Maleeshiyaad Hubeysan Oo Afduub u Geystay Agaasimihii Arrimaha Gudaha iyo Xubno Kale

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa maleeshiyaad hubeysan ay ka afduubteen Agaasimihii Arrimaha gudaha ee Galmudug iyo tiro Shaqaalaha wasaaradda kuwaasoo diyaarinaayay qabanqaabada Doorashada Gudoomiyaha Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgudud..

Wararka ayaa sheegay in maanta loo balansanaa in la qabto Doorashada Gudoomiyaha Degmada Cabudwaaq, ayaan darrse Dabley hubeysan oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan ayaa afduubtay Agaasimaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo sida la sheegay ka soo jeeda Konfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Tiro Shaqaalaha ku howlanaa diyaarinta iyo qabashada Doorashada.

Maleeshiyaadkaan ayaa Agaasimaha iyo Shaqaalaha la aaday tuulo ku taal Bariga Magaalada Cabudwaaq, waxeyna ku hanjabeen iney dili doonaan hadii aan jufadooda laga talo gelin doorashada, baaqyo badan ayaa laga soo saaray Afduubka oo lagu dalbanaayo in la siidaayo Agaasimaha iyi Shaqaalaha, iyadoo Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federaalka ay ka baaqasadeen iney ka hadlaan dhacdadaan.

229090cookie-checkMaleeshiyaad Hubeysan Oo Afduub u Geystay Agaasimihii Arrimaha Gudaha iyo Xubno Kale