Maxaa Ka Dhab ah in Kooxda Shababka ay Ugaarsi Ku Hayaan Culumaa’udiinka Beesha Reer Xaaji

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Kooxda Argagixisada Shababka ay magaalada Muqdisho ka bilaabeen ugaarsi ka dhan ah Culumaa’udiinka, Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Saleebaan ee Habargidir, gaar ahaan Indhagaradka degaan ahaan ka soo jeeda magaalada Baxdo iyo nawaaxigeeda…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Todobaadyadii ugu dambeeyay ay tiro dhowr jeer ah wada kulmeen Wakiilo ka socda Beesha iyo Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada, waxeyna dalbadeen in 92-Qof Magtooda ay Beesha Bixiso, baaqaasi Cabsi-gelinta ay ayeey ku gacan seyreen Hogaamiyayaasha Bulshada Beesha.

Kooxda Argagixisada Shabaabka ayaa waxay labadii habeen ee lasoo dhaafay gudaha Muqdisho ku dileen laba Nabadoon oo kala ahaa Sheekh Salaad Ciise Diiriye iyo Sheekh Cabdi Faniinte, Labadaan Wadaada ayaa ka soo jeeda degaanka Baxdo oo dhawaan lagu laayey dagaalyano weeraray oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, taasoo sababtay in Muqdisho lagu ugaarsado Culimada ka soo jeeda Degaankaasi gaar ahaan kuwa Qaadiriyada iyo Axmadiyada.

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha ayaa hadda ku baraarugay in beegsigaan uu ku socda, isla markaana ay Kooxda argagixisada ay doonayaan inay ku qasbaan in ugu dambeyn ay is dhibaan oo Baxdo iyo degaanada ku xeeran ay si fudud gacanta ugu dhigaan, sida ku dhacday Beesha Dir ee degta Bacaadwryn oo isku dhiibay Kooxda Shababka.

201180cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah in Kooxda Shababka ay Ugaarsi Ku Hayaan Culumaa’udiinka Beesha Reer Xaaji
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com