Ma Dhabaa in Hogaanka Villa Somalia uu amar Dul-dhigtay Garsoorka Gobolka, & Sababta Saluuga Dhalisay…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Gudoonka Maxkamada Gobolka Banaadir lagu amray inuu hakiyo faafinta xukunka Warqad siideyn ah Eedeysanayaashii lagu waayey Dambiyada Xatooyada Xoolaha, maadaama uusan la dhicin (Saluugay) Maamulka Xasan Gurgurte ayna jiraan Xubno horey xilalkoodii looga xayuubiyay Dembiyadana lagu waayay…

Qoraal ay Qareenada u direen Garsoorka Gobolka ayeey ku ku faah-faahiyeen iney Sharci-darro tahay, in Muwaadiniin Maxkamad ay dambi wayday lagu hayo Xabsiga, waana arrin ugub ku ah Garsoorka dalka inkastoo Maxkamadaha Mogdishu ay ka cadaalad wanagsan yihiin kuwa kooxaha Argagixisada, talabadaan ayaa meesha ka saaray sheegashada Dowladda ee madax banaanida Garsoorka.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Gudoomiyaha Maxkamada uusan Xafiiskiisa soo xaadirin kadib markii uu ku dhawaaqay xukun waraaqo ku qoran, kadibna uu Gaarigiisa horey ka raacay, tan oo ka fog habdhaqanka Garsoorka, Horey Maxkamadaha ayaa soo saari jirey xukunno lid ku ah Maamulka iyo Shaqsiyaad laf-dhabar u ahaa, waxaana kamid ahaa Kiiskii Himilo Qaran iyo kuwo kale.

Gudoomiyaha Maxkamada laftiisa ayaa kamid ah dadkii ku yimi dib u habaynta Garsoorka inkastoo ay weli taagan tahay fara gelinta Siyaasiyiinta Hogaanka Villa Somalia qabta, Madaxtooyada ayaa hadda la sheegayaa iney quudareeyneyso qorshe Garsoorayaal cusub, iyada u dhow ay Maxkamadaha ugu magacaabayso, si danaheeda loo fuliyo.

279690cookie-checkMa Dhabaa in Hogaanka Villa Somalia uu amar Dul-dhigtay Garsoorka Gobolka, & Sababta Saluuga Dhalisay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com