Xoogaga Somaliland oo la Wareegay Degaanka Boocame ee Gobolka Sool (Puntland)

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya Tiro Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka kana tirsan Maamulka Hargeysa ayaa la wareegay gacan ku heynta degaanka Boocame oo ay horey u joogeen Xoogag taabacsan Maamulka Puntland, kuwaasoo dib uga gurtay degaanka..

Wararku waxey intaasi raacinayaa inuusan dhicin wax iska horimaad ah, xaalada degaankuna ay degan tahay, iyadoo Xoogaga Somaliland isku ballaariyeen gudaha degaanka Boocame iyo nawaaxigeeda, degaanka ay la wareegeen Xoogaga Somaliland ayaa waxey magaalada Garoowe u jirta 75KM.

Degaankaan ayaa ka mid ah degaanada ay Maamulka Dani ee Puntland u qorsheysay in laga qabto barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod, Madaxa xiriirka Madaxtooyada Puntland Liibaan Aw Jaamac ayaa laga soo xigtay “Qabsashada Boocame ee Xoogaga Somaliland, waxay soo dadejineysaa qabsashada Laascaanood ee Puntland”.

222230cookie-checkXoogaga Somaliland oo la Wareegay Degaanka Boocame ee Gobolka Sool (Puntland)
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com