Ma Dhabaa In Kulankii Dhuusa mareeb-3 Dib Loo Dhigaayo

Somalia news

Waxaa in mudo ah daaha siyaasada gadaashiisa ka socday wadahadal Qarsoodi ah Oo u dhaxeeyay Mr.Farmaajo iyo Qoor-Qoor, Qorshahaan ayaa salka ku hayay sidii Siriq loogu dhigi lahaa Mr.Xasan Cali Kheyre isla markaasna siyaasada looga saari lahaa….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u tilmaamtay in Mr.Qorqor oo aan waayo aragnimo hore u laheyn Arrimaha Siyaasada, isla markaasna ka mid ahaa Maleeshiyaadka ka qeyb qaatay dagaalada sokeeye ayaa  aad u soo dhaweeyay talada ah in laga taqaluso Mr. mKheyre, Isaga-na uu qaybta ugu weyn  ka qaadato qorshahaasi,  Qoor-Qoor ayaa loo balan qaaday  in marka uu baxo  Kheyre uu isagu keensan doono musharax Habargedir ah oo lagu badalo Xasan Kheyre. Qorshahaas ayaa waxa uu si qarsoodi ah ula wadaagay saaxiibadiisa xiligaan ee gaarka ah oo ay ka mid yihiin; Kamal Guutaale, Axmad Cabdisalan, Mahad Salaad, Axmad Macalin Fiqi, Saabir Nuur.

Maxaa Dhacay:-

Ilo wareedkaan ayaa sheegaya in Mr.Kheyre intii uu joogay Magaalada Dhuusa mareeb laga duubay Codad sir ah, iyadoo la adeegsanaayo Jakad lagu xiray qalabka codka duuba, isagoo u faahfaahinaaya qorshe diyaarsan oo Dhan ka ah Mr.Farmaajo, taasoo soo dedejisay in si hal-haleel ah loo diyaarsho Mooshin qaabka iyo hirgelintiisu muran xoogan laga keenay, kuna dhawaaqaan in xilka laga qaaday Mr.Kheyre.

Farmaajo Iyo Adeegsida Qorqor:-

Warar ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu u Xil saaray Mr.Qorqor in uu ka soo dhameeyo Madaxda Maamul Goboleedyada in Kukanka Dhuusa mareeb-3 dib loo dhigo ilaa Bartamaha Bisha Oktobar, iyadoo Dhaqaale lagu siiyay si u u fuliyo mashruucaasi iyo Qorshe kale oo ah inuu xuuraan ka keeno Madaxda Madashada Xisbiyada Gaar ahaan Sheekh Shariif.

51820cookie-checkMa Dhabaa In Kulankii Dhuusa mareeb-3 Dib Loo Dhigaayo