Dhaqaale Intee Le’eg Ayaa Ku Baxay Dib u Dhiska Xarunta Golaha Wasiirada ee Muqdisho? 

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta Ing.Rooble ayaa shalay kormeer ku tagay dib u dayactirka Xarunta Golaha Wasiirada oo horey u aheyd Xaruntii Xisbigii Kacaanka ee la dhihi jirey, dhismahan ayaa ku burburey dagaaladii Sokeeye waxaana uu deris la yahay Stadium Muqdisho…

Xaruntaan dayactirka dhismaha waxaa bilaabay Maamulkii Mr.Kheyre, si ay u noqoto halka ay Golaha Wasiirada ku shaqeyn doono mustaqbalka, isla markaana hoy u noqota Wasiirka 1-aad xiligaan degan Xeyndaabka Madaxtooyada Villa Somalia.

Dhaqaalaha lagu dayactiraayo Xaruntaan waxaa ku deeqday Dowladda Qatar, waxaana ku baxdey dhaqaale dhan $5 millions US$ ah, iyadoo ay fulisey Shirkad maxali ah oo dalka laga leeyahay laguna magacaabo EAMCO.

Dhaqaalahaan ayaa qayb ka ahaa $200 oo Millions oo US$ ah oo Maamulka Dooxa ugu deeqdey Dowladda Federaalka, iyadoo dhaqalahaan la geliyey dhismayaal ay ka mid yihiin Xarunta Golaha Wasiirada, Dhismaha Wasaaradaha qaarkood sida tan Qorsheynta, sidoo kale deeqda ayaa loogu talo galay shaqo abuur, Dhismaha waddooyinka Muqdisho–Jowhar, Muqdisho–Afgooye, iyo hormarinta waxbarashada, Heshiiskaan ayaa la saxiixey dhamaadkii sanadkii 2017.

194970cookie-checkDhaqaale Intee Le’eg Ayaa Ku Baxay Dib u Dhiska Xarunta Golaha Wasiirada ee Muqdisho? 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com