Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka ka dhex Qarxay Maamulka Doorashada Magaalada Boosaaso ee Puntland..

Somalia news

Faahfaahin dheeraar ah ayaa laga helayaa khilaaf xargo goostay oo u dhaxeeya Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland (Cabdi Faarax) iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada (Max’ed Cabdi), Khilaafka ayaa salka ku haya Doorashada muranka dhalisay oo shalay lagu kala qabtay magaalada Boosaaso…

Wasiirka ayaa sheegay in magaalada Boosaaso aysan doorasho dhicin, Gole Degaana oo la isku raacsan yahay la dhisin, waxaana khilaafku salka ku hayaa sidii marka hore loo dhaarin lahaa kadib doorasho loogi gudbi lahaa, iyadoo Xikdhibaanada u kala qeybsameen 16 Xildhibaan iyo 16 Xildhibaan, halka 1-Xildhibaan uu diidey inuu dhaarto.

Wasiiru Dowlaha ayaa taageeray iney doorasho ka dhacday Magaalada Boosaaso ayna soo dhisteen Ururada Kaah, Sincad iyo Mustaqbal, isla markaasna Wasiirka looga baayan inuu taageero doorashada, inkastoo Kooramka lagu dhisaayo Golaha Degaanada Magaalooyinka waa weyn uu yahay 22-Xikdhibaan, Garabka Wasiiru Dowlahana uu yahay 16-Xikdhibaan.

Khilaafka kadhex qarxay Wasiirada Maamulka Dani ayaa laga cabsi qabaa inuu halis geliyo amaanka iyi Nabada Magaalada Boosaaso, iyadoo digniino laga soo saaray Hanaanka Boobka ku dhisan ee shaciga lagu baalmaray ee la doonaayo in doorasho lagu qabto ay horseedi karto isku dhacyo la mid ah kuwii ka dhacay Boosaaso iyo Garoowe oo dhimashada badan horseeeday.

280300cookie-checkMuxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka ka dhex Qarxay Maamulka Doorashada Magaalada Boosaaso ee Puntland..