Somalia & Sacuudiga oo ka wada hadlay Duruufaha u gaarka ah Xujeyda Soomaaliyeed

Somalia news

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jedeh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al- Rabiicah….

Wasiir Mukhtaar ayaa inta lagu guda jiray kulanka diirada saaray muhiimada tayaynta adeega Xujeyda guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed, isagoo dul istaagay duruufaha ugaarka ah Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa xusay in sanadkan ay Dowladda Soomaaliya rabto sare uqaadida tayada adeega Xajka, Xujeyda Soomaaliyeedna loogu adeego si lamid ah Xujeyda Dowladdaha kale ee Caalamka, kana codsaday Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya in ay arrintaas ku garab siiyaan.

Dhanka kale, Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa balanqaaday in ay tixgelin gaar ah siin doonaan duruufaha ugaarka ah Xujeyda Soomaaliyeed, isagoo xusay in sanadkan adeegyada Xujeyda xilli hore la bilaabi doono si looga baaqsado caqabadaha ka dhasha dib udhaca dhanka waqtiga.

Wasiir Dr. Towfiiq ayaa sidoo kale xusay in tirada xujeyda guud ahaan caalamka dib loogu celiyay sidii ay ahaayeen ka hor inta uusan caalamka ka dilaacin cudurka safmarka Karoonaha ( COVID19), lana qaaday xadidaada xaga da’da ah ee Xujeyda horey loogu soo rogay.

Ugu dambeyn, labada Wasiir ayaa kala saxiixday heshiiska Fulinta Adeega Xujeyda Soomaaliyeed sanadka 1444H/2023 oo u dhaxeeya Dowladda Somalia iyo Dowladda Boqortooyada Sacuudi Arabia.

236440cookie-checkSomalia & Sacuudiga oo ka wada hadlay Duruufaha u gaarka ah Xujeyda Soomaaliyeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com