Ma Dhabaa in Maamulka Somaliland ay ka Heleen Taageero Saanad & Sahay Dalalka Deriska..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in ka badan 10 Gaadiidka Xamuulka ah oo sida Saanad & Sahay Ciidan ay kasoo gudbay Xadka Somaliland la wadaagto mid kamid ah dalalka deriska la ah Somalia, waxaana Gaadiidkan la xaqiijiyay iney galbinayaan 8 Gaadiidka dagaalka ah, loona xiray wadada xariirisa Kalabeyr iyo Hargeysa…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Maamulka Abiy ee Ethiopia ay ku taageertay Saanadaan Ciidan Maamulka Muuse Biixi, Shixnada Gaadiidkaan ayaa ka gudbay Magaalada Hargeysa, iyadoo ay wararku sheegayaan in ay ku hakadeen magaalada Berbera, oo ay gaadiidka kale uga qaadeen Saanad iyo Sahay ay ku deeqeen UAE.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Fariisinka Goojacade duhurnimadii shalay, ayaa waxaa ka baxay 7-Gaadiidka xamuulka qaada, oo ay adeegsadaan Xoogags Somaliland, iyagoo u socdaalay Degaanka OOG oo uu kuyaalo Taliska Makeeshiyaadka Somaliland ee howlgalka Laascaanood.

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Maamulka Muuse Biixi, uu Qorsheeyay iney 6-Maalmood oo xariira duulaan iyo Duqeyn aan kala joogsi laheyn ku qaadaan magaalada Laascaanood, si ay ula wareegto, sida ay xaqiijinayaan ilo ku dhaw-dhaw xubnaha Guddiga dagaalkan ugu xilsaaran Horjooge Muuse Biixi.

249961cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Somaliland ay ka Heleen Taageero Saanad & Sahay Dalalka Deriska..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com