Yaa ka Hortaagan Horumarinta iyo Maalgelinta Dekeda Hobyo

Somalia news

Inkastoo lagu tiriyo Magaalada Hobyo kuwa Qadiimiga ah ee Somalia, ayaa haddana waxey Marti u noqotay beelo aan duceysneyn, kuwaasoo iyaga is-fiirsanaaya, waxeyna Dekada ku sifowday mid aan dhagax dhig dhaafin (igu sawir), isla markaasna dayacan, waxaana sabab u ah Maamulada soo maray oo noqtay kuwo ka gaabiyay iney hormariyaan, isla markaasna adeegayaal u ah kuwa Villa Somalia…

Ku darsoo Waxaa ka mid Gabacsatada iyo Odayaasha Dhaqanka oo lagu eedeeyay iney ku fiican yihiin Ururinta dhaqaalaha ku baxa abaabulka colaadaha sokeeye, talaabooyinkaan is biirsaday ayaa Dekada ka dhigtay qorshaha dhismaha mid fadhiid ah iyo marshruuc aan dhamaan.

Yaa Hortaagan Dhismaha Dekeda Hobyo:-

Caqabadaha ugu weyn ee hortaagan waa beelaha ugu badan Degmada kuwaasoo ku mashquulay sad-buursi iyo xin dhexdooda, waxaa kaloo hortaagan Hogaanka liita ee Galmudug oo ku mashquulay boobka dhaqaalaha yar ee laga qaado Ganacsatada ku dhiiratay iney Ganacsigooda kala soo degaan Dekada Macmalka ah ee Hobyo.

Ugu dambeyntii, waxaa la gudboon in Shacbiga Degaanada Galmudug ay u kacaan kuna baraarugaan sidii loo dhisi lahaa Dekada, iyagoo muraqooda iyo maskadooda isugu geyn lahaayeen dhismaha Dekeda, waana ayaan darro in Ganacsato reer Galmudug iyo kuwa (Mogadishu) Bakaaraha inay dhaqaalahooda ku maalgeliyaan Dekada Garacad.

220670cookie-checkYaa ka Hortaagan Horumarinta iyo Maalgelinta Dekeda Hobyo