Ma Dhabaa in Xildhibaano ka Soo jeeda Puntland dib loogu celiyay Garoowe

Somalia news

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya Inta badan Xildhibaanadii Federaalka ee degaan doorashadoodu tahay Puntland,ayaa dib loogu celiyay Magaalada Garowe, Sababta loogu amray in ay soo laabtaan, ayaa lagu fasiray in Mr.Deni uu wal-wal ka qaba xod-xodasho in lagu sameeyo…

Wararka ayaa sheegay in tiro Agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ayaa Xildhibaanada uga horeeyay Magaalada Mogadishu si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqooda uguna diyaariyaan Guryo & Hotelo, isla markaana soo celintooda uga shaqeeyaan.

Madaxtooyada Puntland ayaa waxay si hordhac ah u bixisay Mushahaarkii Bishaan oo dhan 3000 US$ halkii Xildhibaan, inkastoo todobaadkaan Xildhibanaadadii qaatay Shahaadada & Kaarka Aqoonsiga (ID Card) loo shubay Musharkoodii.

181560cookie-checkMa Dhabaa in Xildhibaano ka Soo jeeda Puntland dib loogu celiyay Garoowe