Maxaa Sababay In Isimo Muhiim ah ay ka Maqnaadaan Furitaanka Dekada Garacad

Somalia news

Inkastoo Wufuud badan oo Soomaali iyo Ajaaniib oo ku dhowaad 10-diyaaradood la socdaaan ay maanta ku sii jeedaan magaalo xeebeedka Garacad, ayaa hadana waxaa la is-weydiinayaa sababta in qaar ka mid ah Isimada bud dhiga u ahaa dhismaha Dekada iyo Maamulka Puntland aysan ka soo muuqan doonin Xaflada furitaanka…

Wararka ayaa sheegaya in Xaflada lagu wado inuu xariga ka jaro Madaxweynaha Puntland, iyadoo lagu casumay Madax ka kala socota Dowladda Federaalka, Qaar ka mid ah Maamulada Gobolada, Ergo ka socota Ethiopia, Jabuuti iyo Danjirayaasha shisheeye ee ka howl gala Somalia, waxaana la is-weydiinayaa maxey tahay tabashada Isimada iyo Maqnaanshahooda Xafladaan.

Isimada iyo Magacyadooda:-

-Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo Gacan ka geystay dhismaha iyo hirgelinta dekada

-Boqor Burhaan Boqor Muuse (Boqorka Deni)

-Islaan Ciise Islaam Maxamed

-Beeldaaje Maxamed Beeldaaje

-Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax

Xiriirka Deni Iyo Isimada oo Aad u hooseya:-

Laga soo bilaabo Dagaalkii Boosaso iyo kii Gaalkacyo, ilaa xulistii Xildhibaanada waxaa aad u xumaaday Xiriirka Isimada iyo Dani, iyadoo ay xaaladu sii adkaatay kadib markii uu Mr.Deni ku dhiiraday inuu fara gelin ku sameeyo inuu diido in la dhiso Garaadka Beesha Cabdi Ciise oo degaanka Garacad wax ka dhegta, (Garaad Maxamed Cilmi) ayaa Dani gacan ku siiyay inuu la dhiso Xildhibaanada, Halka Beesha ay dhisayay Garaad cusub.

220130cookie-checkMaxaa Sababay In Isimo Muhiim ah ay ka Maqnaadaan Furitaanka Dekada Garacad