Ma Dhabaa in Saraakiisha Socdaalka Nairobi ay dib u celiyeen Kaaliyihii Fahad

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga gelayaa is hortaag ay ku sameeyeen Wasiiru Dowlihii hore ee Maamulkii Farmaajo Cabdiraxmaan Dheere, Saraakiisha Waaxda Socdaalka Kenya, kadib markii uu ka degay magaalada Nairobi ee Dalka, Wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Cabdiraxmaan Dheere iyo Xubno kale oo la socday ayaa la sheegay in Dowlada Turkiga ay ku wargeliyeen iney isaga baxaan Dalkaasi kadib markii ay damceen iney Kulamo dhan ka ah Dowlada Federaalka ku qabsadaan magaalada Ankara, iyagoo Muwaadiniinta Soomaalida ku qancinaayay iney dhaqaale yar lagu siinaayo ka weyb galja Shirkaasi.

Ma jirto faahfaahino kale oo la bixiyey iyadoo C/raxmaan dheere uu awood badan ku dhex lahaa Maamulkii fashilmay ee Farmaajo iyo Fahad, Taageerayaasha Kooxdaan ayaa hadda fariisimo ka dhigtay magaalada Addis abeba, waxeyn culeysyo ku saarayeen Maamulka Abiy in uu kala hadlo Madaxweynaha Kenya si ay u degaan magaalada Nairobi.

218760cookie-checkMa Dhabaa in Saraakiisha Socdaalka Nairobi ay dib u celiyeen Kaaliyihii Fahad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com