QM ayaa War adag kasoo saartay Weerarkii Argagixisada ee Hoteel Hayaat 

Somalia news

War kasoo baxay Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa lagu sheegay in Maanta la xusayo maalinta caalamiga ah ah ee xusuusta dhibanayaasha Argagaxisada, Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sharaftay Soomaalida badan ee ay Rabshadahaas gacan ka hadalku u geysteen, waxayna ku baaqeen in iyaga iyo qoysaskoodaba loo fidiyo gurmad deg deg ah iyo weliba taageero muddada dheer ah…

Qaramada Midoobay waxay taageero la garab taagan tahay dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa argagixisada ka badbaaday iyagoo u rajeeyay iney ka bogsadaan jugtaa iyo dhaawacyada soo gaaray, iyaga, qoysaskooda iyo bulshooyinkaba” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Somalia waxay horumar ammaan mudan ugu tallaabsatay waddada nabadda iyo xasilloonida, haddana iyadoo horumarkaas lagu jiro, waa in la maqlaa oo la qiraa codadka badbaadayaasha, lana dhawro xuquuqdooda – rabshadihii argagixisada ee dhammaadka todobaadka ka dhacay magaalada Muqdisho waxay xusuusin adag u tahay sida ay tani muhiimka u tahay” ayuu raaciyay.

Golaha loo Dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sanadki 2017-kii dejiyay Maalinta Caalamiga ah ee Xuska iyo Xusuusta Dhibanayaasha Argagixisada si loo sharfo loona taageero dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday argagixisada iyo in kor loo qaado lana ilaaliyo ku naalooshada buuxda ee xuquuqdooda bini’aadminimo iyo xoriyaadkooda aasaasiga ah” ayaa lagu yiri Warka 

208870cookie-checkQM ayaa War adag kasoo saartay Weerarkii Argagixisada ee Hoteel Hayaat