Maandooriye Qiimihiisu dhan yahay 14-Millions US$ oo lagu qabtay Bole Airport Ethiopia 

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay ku qabteen qeybta ilaalinta Canshuuraha ee Garoonka diyaaradaha Bole ee Ethiopia 2-Boorso ay ka buuxaan Mandooriyaha Cocaine-ka culeyskooduna midkiiba dhan yahay kg,48,86 iyo kg,48,62, wadarta guudna 97,Kg, waxaana laga soo qaaday magaalada Nairobi..

Wararka ayaa sheegay in Saraakiisha ilaalada canshuuraha Garoonka ay qabteen Haweeney rakaab ah oo sidatay labada boorso, iyadoo lagu qiyaasay qiimaha Mandooriyahaan 14-Millions US$, Rakaabka ayaa ka yimid Jomo Kenyatta airport ee Nairobi, Warbaahinta Maxaliga ah ayaa qoreen in Eedeysanada la qabtay xili ay qaadaneysa labada Boorso.

Qabashada Maandooriyahaan ayaa ceeb iyo fadeexo ku ah Amaanka Garoonka Diyaaradaha ee JKIA ee Nairobi, Saraakiishan Amaanka Ethiopia ayaa wargeliyay dhigooda Kenya si raad raac baariseed loogu sameeyay halka laga soo abaabulay Safarkaan, sanadkii 2019-kii Wakiilkii EU-da ee Kenay Mr.Simon Mordue ayaa sheegay in Magaalada Mombasa ay noqtay 30% halka laga soo geliyo Mandooriyaha Herion-ka sharci darrada suuqyada Dalalka Europe.

Inta badan Noocyada Mandooriyaha Heroin-ka waxaa laga soo dhoofiyaa Dalalka Afghanistan, Pakistan iyo India waxeyna transit ahaan ku soo maraan Garoomada Diyaaradaha Qaarada Africa, Halka Cocain-ka lagu beero laguna farsameeyo Dalalka Colombia, Bolivia iyo kuwo waxaana loo dhoofiyaa Suuqyada Waqooyiga America iyo Europe.

216090cookie-checkMaandooriye Qiimihiisu dhan yahay 14-Millions US$ oo lagu qabtay Bole Airport Ethiopia