Gudoomiyayasha 2-Aqal iyo Xibsiyada Mucaaradka Oo Kulmaaya

Somalia news

Waxaan lagu wadaa in Kulan wada tashi ah ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Gudoomiyayaasha Labada Aqal ee Barlamaanka iyo Gudoonka Daladaha Xisbiyada Mucaaradka, iyagoo Loo tashanaaya aayha iyo Maqaamka Magaalada Muqdisho…

Kooxaha Mucaaradka waxaa matalaya Madaxweynayaasha kala ah Xasan shiikh Maxamuud iyo Shariif sh. Axmed, la kulanka labada guddoon ayaa u kala dhacaya qaab kali kali ah.

Waxaa laga arrinsanayaa sidii doorashada laga yeeli lahaa iyo qaabkii la isugu geyn lahaa xoog mideysan oo doorashada waqtigeeda ay ugu dhici laheyd, Sidoo kale waxaa lagu wadaa in laga wada hadlo Maqaamka Magaalada Muqdisho oo dhowaan ay ka doodi doonaan Labada Aqal Oo wadajira.

40360cookie-checkGudoomiyayasha 2-Aqal iyo Xibsiyada Mucaaradka Oo Kulmaaya