Caasimada Oo Xoogaga Amaanka Oo Amaro ka Soo Saaray Indhashareerka, Koofiyadaha & Cimaamadaha & Sababta…

Somalia news

Amaro aan warbaahinta laga shaacin ayaa maalmahaan dambe Xoogaga Amaanka ay ka bilaabeen Caasimada, howlgalo lagu uruurinaayo Indhashareerka, Cimaamadaha iyo Koofiyadaha, sid ay xaqiijiyeen ilo Amaan oo loo qaateen ah, iyadoo Howlgalkaan ay iska kaashanayaan Ciidamo isku dhaf oo Wadooyinka Magaalada lagu soo daadiyay…

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Amaanka lagu eedeeyay iney meel ka dhac u geysanayaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed kuna xadbudbaaya Xoriyadooda kuna amraaya iney Cimaamadaha iyo Koofiyadaha soo dhiibaan iyagoon u sharixin sababta goobaha qaarkood Qori ayaa lagu cabsi gelinayaa iyo xariga, halka Haweenka lagu amraayo iney wajiyada furaan.

Talaabadaan ayaa ku soo hagaatay xili weeraro lagu bartilmaameedsanaayo Goobaha Ganacsiga ee lagu amray in lagu xiro muuqaal/maqal duubaha CCTV, halka tiro Ganacsato ah oo Diiday lagu xiray Xabsiyada Hey’adda NISA ee magaalada Mogadishu, Qof Magaciisa ka gaabsaday ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay:-

Isbedelka Amni ayaa loo aaneynayaa in Kooxda Argagixisada Shababka uu dhinacyo badan dagaal uga furan yahay iyo mid gudahooda ah, aysan fursad u helin ay ku dejiyaan qorshe amni darro ay ku carqaladeynayaa Hoteelada, Goobaha Waxbarashada, xarumaha Dowlada iyo kuwa Shisheeyaha ee Caasimada.

295390cookie-checkCaasimada Oo Xoogaga Amaanka Oo Amaro ka Soo Saaray Indhashareerka, Koofiyadaha & Cimaamadaha & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com