Xoogaga Amaanka Hargeysa Oo Xabsiga u Taxaabay Wariye Qabtay Dood ku Saabsan Heshiiska…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ay ku soo qabteen xalay xabsiga u taxaabey Wariye Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Guddoomiyaha MMTV iyo hawl-wadeenno kale oo ka tirsan isla TV-, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Telefishinkaas Wariye Cabdishakuur Dayib Maxamed…

Wararka ayaa sheegay in Labada Howlwadeen ee kale ayaa kala ah; Wariye Maxamed Andar iyo Farsamoyaqaan Ilyaas Cabdinaasir, Suxufiyiintan ayaa la xiray xilli uu TV-gu ku gudo jiray Dood dhinaca Twitter Spaces-ka ah oo nuxurkeedu salka ku hayay Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia.

Agaasimaha TV-ga ayaa sheegey “waxay burburiyeen qalabkii yaalay xarunta qaybna way qaateen, waxa kale oo ay joojiyeen dood ka socotay Barta Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku Saabsanayd —“ Faa’iidada iyo Halista uu yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia” dooddaas oo aanay marnaba ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah oo uu ka qaybgalay Mudane Faysal Cali sheekh oo ah Masuul culus oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Maamulka Gooni goosadka Somaliland ayaa wixii ka dambeeyay Heshiiska Is-fahanka ay soo saxiixeen waxey bilaabeen iney ku amraan Xoogaga Amaanka in la xiro Ciddi wax ka sheegta heshiiska, talaabadaan ayaa u muuqata mid lagu cabsi gelinaayo Shacbiga ineysan faalo ka bixin nuxurka Hashiiska.

299270cookie-checkXoogaga Amaanka Hargeysa Oo Xabsiga u Taxaabay Wariye Qabtay Dood ku Saabsan Heshiiska…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com