Masaajid ku yaal Dalka Germany oo markii ugu Horeysay laga Adimay

World

Cologna oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee Dalka Germany, ayaa shalay laga daah furay Aadanka Salaada ee Muslimiinta, iyadoo la xaqiijiyay iney Magaaladaasi ku nool yihiin 120-kun oo Muslimiin ah, waxeyna u dhigmaan 12% Dadka magaalada ku nool…

Xoghayaha guud ee Ururka arrimaha Diinta ee Turkiga iyo Islaamka Mr.C/raxmaan Atasooy ayaa sheegay ”Tani waxey Calaamad u tahay in Muslimiintu ay gurigooda ku sugan yihiin”, wuxuuna u mahad celiyay Maamulka Magaalada oo fasaxay dhismaha iyo Adinkaba.

Duqa Magaalada Mr.Henriette Reker ayaa si weyn u taageersan fikirkaan, inkastoo Xisbiyada midigta fog ay aaf u dhaleeceen, iyadoo uu Dastuurka Dalka uu damaanad qaadaayo Xoriyadda Diinta, laakin waxaa muran xoogan dhaliyay baahinta Adaanka Salaada degmooyinka qaarkood sababo la xiriira qaab dhismeedka sharciyada kala duwan.

Dalka Germany waxaa ku nool 4,7 Millions oo Muslimiin ah halka guud ahaan tirada dadka Germany ay kor u dhaafayaan 84-Millions, iyadoo 3-millions oo Muslimiintaasi ay ka soo jeedaan Dalka Turkiga, sida lagu xaqiijiyay tirakoob la sameeyay.

219000cookie-checkMasaajid ku yaal Dalka Germany oo markii ugu Horeysay laga Adimay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com