Shanta Qodob oo Saameynta ku leh Doorashada guud ee Dalka Kenya

Africa News

Waxaa lagu wadaa Todobaadka soo socda in Dalka Kenya lagu qabto Doorashada Madaxweynaha cusub, Kuxigeenkiisa, Senatorada, MP-Yada, Gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Xubnaha Golayaasha Degaanada (MCAs), iyadoo lagu wado iney Doorashada horseedo Isbedel cusub…

Dalka Kenya ayaa Doorashada ka dhacda waxaa lagu tilmaamaa mid saameyn ku Qabaa’iilada, isla markaasna horseeda dagaalo dhiig ku daata, Sida dhacday sanadihii 1992-dii, 1997 & 2008-dii, inkastoo ay Siyaasiyiinta Xisbiyada isbaheystay ay og yihiin in Saameynta Qabaa’iilada Waa-weyn ay guusha horseedaan.

Sanadkaan Labada Qabaa’iil ee ugu weyn (Kikuyu iyo Luo tribe) Oo ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Jagada ka degaaya (Uhuruu) iyo (Odinga) ay Isbaheysi yihiin, waxaana ka soo horjeeda Madaxweyne kuxigeenka Dalkaasi (W. Ruto) Oo u dhashay Qabiilka Kalenjin Oo isbaheysi la’ah Qabali’lada Luhya iyo Kamba.

Waxaa la sheegay in Doorashadaan ay Sidoo kale ay saameyn doonaa Sida Dhaqaalaha Doorashada, Qabaa’iilada, Maxkamada Sare, Warbaahinta iyo Guddiyada Doorashada, iyadoo Gobolada Soomaalida Kenya Doorashada ka dhaceysa aysan sidii Hore noqon doonin maxaa yeelay Qabaa’iilada ugu waaweyn ayaa isbaheysi dhistay si ay Xilka Madaxweynaha iyaga loogu doorto.

205180cookie-checkShanta Qodob oo Saameynta ku leh Doorashada guud ee Dalka Kenya
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com