Ma Dhabaa in Kursiga Hop#147 Loo xiray Ganacsade

Somalia news

Kadib markii xilka Hogaanka Hey’adda FISA loo magacaabay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa waxaa soo shaac baxaaya inuu bilaawday Loolan adag oo u dhaxeeya Jufooyinka Beesha Ayaanle Ceyr ee Hop#147, iyadoo Odayaasha ay gaarayaan Codsiyaal badan…

Jufadaan Ayaanle Ceyr ayaa u kala baxay Cumar & Aybakar, waxeyna Odayaasha Dhaqanka iyo Ganacsatada miisanka leh ayaa la kulmaaya culeysyo iyo codsiyo fara badan oo ku aadan kursigaasi iyo qofka lasiin lahaa balse xubno caan ah oo qaarkood saaxada siyaasada kasoo muuqday iyo kuwo hadda xilal ka haya Dawlada Federaalka ayaa ku hungoobay in lasiiyo.

Wararka ayaa sheegaya in Ganacsade lagu magacaabo Cali Axmed Shire (Faxle) loo xiray kursiga sumadiisu ay tahay Hop#147 ee golaha Shacabka, Ganacsadahaan ayaa ah Milkiilaha Shirkada Idil Travel Ee duulimaadyada sameysa, shirkadaan ayaa qeyb ka aheyd dhowr shirkadood oo dhawaan Wasaarada Diinta iyo Awqaafta tartan ay u qabatay kusoo baxay inay xujeyda Sanadkaan u qaadaan.

192180cookie-checkMa Dhabaa in Kursiga Hop#147 Loo xiray Ganacsade
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com