Shirkaddo Lagu Eedeeyay Sad-buursi

Somalia news

Shirkadaha Isgaarsiinta Somtel iyo Amtel oo ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ee dalka ka jira ayaa madaxda dowladda federaalka u gudbiyay cabsho ka dhan ah xubno ka mid ah hay’adda Isgaarsiinta qaranka.

Labadaan Shirkadood ayaa sheegay 20/7/2020 in ay cabasho u gudbiyeen Ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, iyaga oo ka cabanaya 3-xubnood oo ku jira hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, kuwaas oo ay sheegeen in ay yihiin qoyska maamulka sare ee shirkadaha isgaarsiinta ee kala ah Hormuud, Golis iyo Telesom.

Qoraalka ay soo saareen Shirkadahaan ayay ku sheegeen in Shirkadaha Isgaarsiinta ee kala ah Hormuud,Golis iyo Telesom ay yihiin Shirkado isku mid ah, iyaga oo sharci darro ku tilmaamay in xubno intaas la’eg ay ku yeeshaan hay’adda Isgaarsiinta qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay dalbadeen in la ilaaliyo Dastuurka KMG ah ee dalka, isla markaana laga saaro dhammaan xubnaha ku jira hay’adda Isgaarsiinta qaranka ee xiriirka wadashaqeyn iyo midka qoysnimo la leh Shirkadahaas Isgaarsiinta ayaa lagu yiri qoraaalka kasoo baxay Shirkadahaan.

51730cookie-checkShirkaddo Lagu Eedeeyay Sad-buursi