Mooshin Dhan Ka Ah Gudoomiyaha Oo La Gudbiyay

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya tiro Xildhibaano ah oo ka tirsan golaha shacabka ay mooshin u gudbiyey guddoomiyaha golahaasi, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan….

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Mooshinkaan oo ay saxiixeen Ilaa 132-Xildhibaano ah, waxeyna ka hor shaaciyeen Xarunta Hoolka, sida ay sheegtay Xildhibaanad Xaniifa Xaabsade oo laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Xaniifa oo ka hor hadashay xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka dalbatay guddoonka golaha shacabka inuu ka aqbalo mooshinkaasi, iyadoo loo qabtay Wakhti.

Mooshinkaan ayaa la xiriira kuraasta Xildhibaanad Haweenka ay ku leeyihiin labada gole ee baarlamaanka doorashada soo socota, si loo xaqiijiyo qoondada ay leeyihiin haweenka, islamarkaana aan la’isku darin kuraasta haweenka iyo raga, labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Talaabadaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo maanta la filayey in Xildhibaanada golaha shacabka ay dood ka yeeshaan xeerka qoondada haweenka oo horey loogu xil-saaray guddiga wadajirka ah ee labada aqal, si ay u soo diyaariyaan xeerkaasi.

42840cookie-checkMooshin Dhan Ka Ah Gudoomiyaha Oo La Gudbiyay