Shirka Mucaaradka ee Wadatashiga Aayaha Puntland oo Ka Furmaaya Garoowe..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa qabanqaabada iyo diyaarinta Shir ay Dhawaan ka furmaaya xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe oo ay isugu imaanayaan Waxgaradka, Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta Madaxa banaan, iyo Ururada siyaasadda qaarkood…

Kulankaan ayaa looga doodi qabashada Doorasho lagu xasiliyo aayaha Puntland oo ay sheegeen in xaaladedu tahay hubanti la’aan ama la dhihi karo mugdi ayey ku socotaa, waxay sheegeen in loo baahan in laga wada tashto sidii loo samatabixin lahaa ka hor inta muddo xileedka golayaasha Maamulka aanu dhamaan muddo yar kadib.

Waxaana lagu wadaa in Kulankaan guud ee qeybaha Mucaaradka ay qabsadaan 10-Oktoobar 2023-ka, kaasoo kadhici doona magaalada Garoowe, Kooxahaan ayaa Mr.Deni ku eedeeyeen inuu ka shaqeynaay muddo kororsi laba sano ah, isaga oo ku doodaya in uu dalka dimoqraadiyad gaarsiinaayo u jeedkiisuna ahaa muddo kororsiga marka ay dhamaato muddo xileedkiisu.

Dadka falanqeeya Arrimaha Siyaasada ee Puntland ayaa sheegay in dimuqraadiyaddan Gadiidka Tiknikada lagu ilaalinaayo isla markaana kala qaybineysa Golayaashii Degaanku ay tahay mid aan sii socon karin, iyadoo Xoogaga PMPF marar kala duwan loo adeegsaday Arrimo Siyaasadeed, waxaana ay ka qaybgaleen iska hor imaadyo kala duwan dhimasho geystay oo ka dhacay Puntland.

280340cookie-checkShirka Mucaaradka ee Wadatashiga Aayaha Puntland oo Ka Furmaaya Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com