Deni oo Mashquul ku ah Xagal-daacinta Ololaha Kacdoonka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada 

Somalia news

Inkastoo olole balaaran oo ku biloowday Kacdoon Dadweyne ay ka Socdaan Gobolada Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, ayaa hadana waxaa soo shaac baxaaya qorshe xagal-daacin ah oo daaha gadaashiisa uu ka hagaayo Madaxweynaha Puntland, isagoo doonaya inuu fashiliyo Dowlada cusub ee Federaalka…

Sida ay muujinayaan Xogahaan, Mr.Dani ayaa la wariyay inuusan “Talefonka ka dhigin” oo xiriir joogto ah la leh Maamulada Gobolada marka laga reebo Maamulka Jubbland, wuxuuna culeysyo ku saarayaa iney xagal daaciyaan Ololaha Kacdoonka ee dhanka ka ah Kooxda Argagixisada Shababka.

Mr.Deni ayaa weli si furan u taageero ugu muujin ololaha ka hirgalay gobolada qaarkood ee looga sifeynaayo kooxda argagixisad, ayaan darro MrDani ma doonaayo in Maamulka Villa Somalia uu sumcad ku helo ciribtirka kooxda Shababka, kama ahan inuu taageero u hayo argagixisada balse waxey ka tahay Nin iska dhicin iyo wax u muuqda inuu dhankiisa olole Doorasho Madaxtinimada ee Sanadka 2026-ka.

Siyaasada Marin Habaabinta ku Dhisan

Dani markii Xilka Puntland loo doortay, wuxuu qeyb ka noqday dagaal siyaasadeed xilka looga tuuray Farmaajahii Fashilmay, isagoo isku ekeysiyay inuu Danaha Dooraadka ilaalinaayo (Puntland & Jubbaland), hase yeeshee uu Kaligiis duul noqday Doorashadii 15-May-2022-kii taasoo dhalaxsiisay inuu hanan waayo Intii badneyd Xildhibaanadii Iyo Senetaradii Puntland ee isagu soo xushay.

Xurgufta kala dhaxeysa Axmed Madoobe

Doorashadii 15-ka May ayaa kala geysay labada Madaxweyne (Puntland & Jubbaland), waana caado soo jireen ah, iyadoo Mr.Dani uu gocosho ka muujiyay inu Sheekh Axmed Madoobe uusan ugu hagar bixin sidii uu u difaacay dagaalkii Farmaajo, waana sababtaasi waxa uu uga reebay inuu xiriir talefon la yeesho Madaxwrynaha Jubbland.

si kastaba ha ahaatee Mr.Dani ayaa ku guda jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee mudada xil heyntiisa Puntland, iyadoo Daneeyayaasha Siyaasada degaanka waxey ka digeen isku day kasta uu mudada ku kororsanaayo Mr.Dani si uu xilka ku sii negaado isagoo isku qarinaaya qabashada doorashada Qof iyo Cod.

218370cookie-checkDeni oo Mashquul ku ah Xagal-daacinta Ololaha Kacdoonka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada